Have a question?
Message sent Close

WINDOWS SERVER 2019

Course kan Windows Server 2019 waxaan ugu talo galnay qofkasta oo ku shaqeeya IT ama rabana inuu barto Windows Server, ama raba inuu ku shaqeeyo, inuu ka faa,iidaysto course kan, Course kan oon waliba u diyaarinay syllabus dhamaystiran oo u sahlaya inuu qofku markuu course kan dhamaysto inuu ku shaqaysan karo, siina gudbin karo cilmi.

66 students enrolled

Course Kan waxaad aad ku baran doontaa In sha Allah

  • Inaad Fahanto sidii loo setup garayn lahaa Windows Server 2019.

  • Waxaad ku baran doontaa sida loo install gareeyo Active Directory Domain Service.

  • Waxaad sidoo kale ku baran doonta sida loogu maamulo Active Directory ga users, group ka, Oranizational Unit ka (ou) iyo sida computers ka loogu soo xidho Active Directory gaaga.

  • Qaybtan waxaad ku baran doontaa sida Network Infrustructure loo sameeyo tusaale (sida loo install gareeyo DNS ka iyo DHCP ga, iyo sida loogu qaybiyo IP address ka adoo isticmaalaya DHCP ga.

  • Sidoo kale waxad ku baran doontaa qaabka loo install gareeyo File Servers iyo Storage Space ka iyo siduu aad ugu maamuli lahayd users kaaga storage ka ay u baahan yihiin iyo Servers kaagu Storage kooda.

  • Sidoo kale waxaad ku baran doontaa qaabki virtualization ka loo samayn lahaa eed u install garayn lahayd Hyper-V iyo sidii aad ugu shaqayn lahayd.

  • Waxaad ku baran doonta SAN oo ah qaabkii aad u maamuli lahayd Storage kaaga iyo sidii aad u samayn lahayd Failover Cluster.

  • Waxaad ku baranaysaa Course kan High Availability iyo Disaster Recovery sida loo sameeyo.

  • Waxaad ku baranaysaa sida loo sameeyo Wsus and Windows Server security oo ah qaabkii aad updates servers ka iyo computer kaaga aad up to date uga dhigi lahayd iyo qaabki aad u ilaalin lahayd Windows server ka security giisa.

  • Sidoo kale waxaad ku baran doontaa qabka loo sameeyo Remote Desktop ka iyo VPN si aad Server kii iyo network dibada aad uga soo gaadho.

  • Sidoo kale waxaad ku baran doontaa qaabkii aad adeegyada Server ka ula socon lahayd xaalada ay ku sugan yihiin sidoo kale u xilad saari lahayd awoodoodana u kordhin lahayd.

  • Waxaad sidoo kale u baran doontaa qaabkii loo upgrade garayn lahaa windows kaaga hadii aad isticmaalaysay version hore ood rabto inaad ka dhigto version dambe.

Be the first to add a review.

Please, login to leave a review