Have a question?
Message sent Close

Hab-Raaca & Xeer-hoosaadka Nuuraani.com

  1. Iib Mahan! Koorsooyinka Kujira madasha nuuraani.com waxaa leh milkiyadooda Nuuraani.com, ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website Nuuraani.com.
  2. La Dagis Waa Mamnuuc iyo Ku Xadgudub Xaquuq Sharci ! Koorsooyinka Nuuraani waa oo Daawo Durbadiiba ama (Streaming Only) Loomana Ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa Course Materials sida Slides, Labs guides  ama softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka, ama aad usoo daabacato slides ama eBooks haduu lasocdo koorsada, sida badan koorsooyinka Nuuraani.com waa practical ama iTUS oo koorosooyin kastaa waxay wataan xog dhamaystiran.
  3. Hal Arday, Hal Account! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Hadii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa hadii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas la wadaagayo waa laga saarayaa madasha Nuuraani.com dignin la’aan.
  4. Qiimaha! Qiimaha koorsooyinka kujira madasha Nuuraani.com waa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah maamulka Nuuraani.com
  5. Halmar Dalbo, Waligaana Daawo! Dhamaan koorsooyin kujira madasha Nuuraani.com ee aan ku jirin membership plan ama mudo cayiman waa halmar dalbo, waligaana daawo, balse Shuruud ayaa kuxiran oo ah hadii koorsda aad baranayso ay leedahay Mudo-xileed oo ah badanaa 3-4 sano inta udhaxaysa, marka ay muda koorsda dhamaanto oo aana lagali Karin imtixaankeeda oo ay howlgab noqoto ama waa koorso aan lahayn imtixaan balse Cilad farsamo ay kusoo baxdo waa laga saarayaa madasha Nuuraani.com mudo 6 bilood gudahood ah, ardayga ka diiwaan gashana waa la ogaysiinayaa insha allah.
  6. Barashada Xiliyaysan! Nuuraani waa madal u dhisan ka haqab tirka barashada computer ka iyo cilmiga la xidhiidha umada soomaaliyeed waxaana uu leeyahay hab u gaar ah oo uu iskugu xidho koorasooyinka muhiimka ah ardaygana siinaya koboc aqooneed iyo xirfadeed koorasooyinka isku xidhan waxay leeyihiin mudo, sida 4 ilaa 6 bilood ardayguna mudadaas barashada xiliyaysan ayuu awood u leeyahay in uu daawada koorasooyinka Nuuraani.com
  7. Xogtaada! Maamulka Nuuraani wuxuu ogaysiinayaa in ardayga ka diiwaan gashan madasha Nuuraani.com, in uu xaq uleeyahay in xogtiisa loo asturo hadii ow doonana inuu uu u leeyahay in uu Masaxo xogtiisa madasha Nuuraani.com, Nuuraani waxay balan qaadaysaa in aysan lawadaagayn xogta ardayga shakhsi ama shirkad kale, xogta ardayga waa amaano waana asturaynaa insha llah.
  8. Xuquuqul Insaan! Nuuraani waa madal eWaxbarasho oo la jaanqaadaysa sharciyada dunida udagsan ee ku aadan dhanka xuquuqul insaanka, Nuuraani waxay utaagantahay hormarinta bulshada afsomaliga kuhadasha sida ay uga haqab tidhi lahayd baahidooda ku aadan barashada aalada computerka sidaas darteed waxaan Nuuraani kusoo dhawaynaynaa dhamaan ardayda doonaysa ewaxbarasho ee kusalaysan sinaan, calaadad, afgarad, dulqaad, naxariis.
  9. Faahfaahin!

    Hadii ay jiraan wax suaal ah ood ka qabto qodobada kor kuxusan fadlan nagala soo xariir WhatsAPP +25263 777727 ama Email noogu soo dir:  [email protected].